4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2017
Dowladda Soomaaliya oo soo saartay jadwalka Imtixaanka midaysan ee dugsiyada sare ee dalka

 
Talaado, May, 16, 2017 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalka imtixaanka Qaran ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.

Dowladda ayaa sheegtay in imtixaanka midaysan ee sanadkan ay fariisan doonaan 23, 000 oo arday oo ka kala imaanaya goboladda.

Ardayda u fariisaneysa imtixaanaadka ayaa ku jira diyargarowgii ugu ballaarnaa, waxaana dhinaca kale ay isku diyaarinayaa jamacadaha.

“Waxaan ku jirnaa diyargarow, jadwalkeenna dhinaca wax aqrinta ayaa xoog badan aynu gelineynaa, waxaana ku raja weynaha in aan ku baaso imtixaanka sanadkaan”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Maxamed oo kamid ah ardayda sanadkan u fariisaneysa imtixaanka.


 

 


Hassan Istiila, 
Hiiraan Online
Mogadishu,Somalia
[email protected]