4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 16, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo faah faahin ka bixiyay wax yaabihii u qabsoomay dowladdiisa muddadii saddexda bilood

 

Talaado, May, 16, 2017 (HOL) - Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Aqalka dowladda Hoose oo lagu xusayay 15-ka May, 74-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururka SYL ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in saddexdii bilood ee talada dalka hayay ay qabteen inay soo celiyaan karaamadii umadda Soomaaliyeed uu adduunka ku lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay bixiyaan mushaarka shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada.

“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdan ay tahay dowlad shacab, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan ololaha dalkaaga waxu qabso, isagoo soo jeediyay in bishii labo saac kaliya arrintan laga shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay inuu isaga bilaabayo.

Farmaajo ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay qabyaalada, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiin doonaya inay qabyaalad dadka ugu owr-kacsadaan.

“Fadhiga ha laga kaco, dowladda diyaar ayeey u tahay in ay awood siiso dhallnyarada Soomaaliyeed,  dowladda iyo shacabka ma doonayo in  dhexdeena la gelo, si midnimadeena muuqata aan u xoojinn idinkana sii wada taageerada dowladdiina aad u heysaan, caasimadda Soomaaliya  afarta sanno gudaheed waxaa naga go’an inaa ka soo saarno magaalada Africa uu quruxda badan uguna nadaafadda badan, sidoo kalena aan ka shaqeynno hirgelinta adeegyadiii bulshada, shacabka Soomaaliyeed xoogga haa saaraan sidii aan uga guuleysan lahayn kooxahaan nabadda diiddaan, dhawaanna dalka oo dhan ayaaan ka saareynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, waxaana uu tilmaamay magaca canshuurta la bedeli doono oo loo bixin doono Qaaraan Qaran, haddii Baarlamaanka ogololaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]