4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2017
Farmaajo “Dadka xagjirka ah Soomaali ma ahan, haddii ay Soomaali yihiin annagaa siinay cafis hanoo yimaadaano"

 
Talaado, May, 16, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay ka qeyb galay xaflad lagu xusayay 15-ka May oo ku beegan aas-aaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Mudane Farmaajo ayaa dadkii munaasabadda yimid ka codsaday in ay u duceeyaan dhallinyaradii SYL ee ku guuleystay in ay xuriyadda soo dhiciyaan.

Khudbaddii madaxweynaha ee uu ka jeediyay xafladdii ururka dhallinyaradda ee SYL lagu xusayay ayaa waxaa uu kaga hadlay arrimo ku saabsan xagjirnimadda, waxaana uu yiri.

“Dadkan xagjirka ah Soomaali ma ahan, haddii ay Soomaaliyihiin annagaa siinay cafis wexey rabaana siinayna hanoo yimaadaan oo hanagala qeyb-galaan dhismaha dalka. Haddii ay Soomaali aheyn, ha aadaan dalalkooda, dalkaan Islaamka oo dhan adduunka kama dhexeeyo dalkan Soomaali ayaa is kaleh, cida imaaneysana idinkaa u oggolaanaya waana in uu noqdaa qof aqlaaqdiisa ay wanaagsan tahay horumarkana qeyb-ka noqonaaya, qofka waa in uusan noqon qof idin qarxinaaya oo idin maleegaya bambooyin oo maalin kasta hantida bur-burinaaya”, ayuu yiri Farmaajo.

Horaantii bishii April ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyey dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo shir jaraa'id ku qabtay magaalladda Muqdisho ayaa sheegay in dowladiisa ay daryeel u fidin doonto dagaalamayaasha ka tirsan Al shabaab ee isku soo dhiibo muddo laba bilood gudahood.

"Waxaan cafis u fidinayaa dhallinyarada Al shabaab. Waxaaa haysataan muddo 60 cisho ah inaad hubka ku dhigtaan. Waxaan idiin ballan qaadeynaa inaad heli doontaan daryeel wanaagsan'' ayuu yiri madaxweynaha oo ku labisnaa dareeska ciidammada.

Hiiraan Online
Mogadishu,Somalia