4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2017
Farmaajo “Afar sano gudahooda ayaan Muqdishu uga dhigeynaa magaalladda ugu nadiifsan uguna Quruxda badan”

 
Talaado, May, 16, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay ka qeyb galay xaflad lagu xusayay 15-ka May oo ku beegan aas-aaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Xafladdii xalay waxaa ka qeyb-galay golayaasha dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka iyo dhallinyaro, waxaana xafladda ay ka dhacday xarunta Aqalka Hoose ee Xamar.

Khudbadii Madaxweynaha ayaa waxaa uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, taariikhda SYL iyo dar-daaran uu u jeediyay dhallinyaradda Soomaaliya.

Mudane Farmaayo, oo ka hadlay xaaladda magaalladda Muqdishu, ayaa waxa uu sheegay in Muqdishu ay ka dhigi doonaan magaalladda ugu nadiifsan uguna Quruxda badan afar sano gudahooda.

“Waajibaadka na saaran waxaa ay tahay in aan shacabka u keeno dowlad-wanaag, oo aan la tartano dowladdaha kale ee adduunka, magaalladda Muqdisho ee aad aragtaan ee bur-bursan afar sano gudahooda waxaan ka dhigeynaa magaalladda ugu nadiifsan uguna Qurxan”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kele Farmaajo ayaa soo hadal qaaday cadaaladda waxaana uu yiri “Waxaa naga go’an in qof walba oo Soomaali ah uu helo cadaalad si Qabiilka uu uga fogaado, haddii annaga aan ka shaqeyno in qof walba uu helo xuquuqdiisa, Qabiil uma baahnidiin”.

Farmaajo dhinaca kale waxaa uu sheegay in aysan jirin Qabiil isku tagay oo yiri waxaan biyo iyo caafimaad siineynaa dad. 

Madaxweynaha ayaa shacabka ka codsaday in ay ammaanka kala shaqeeyaan dowladda.

Hassan Istiila,
Hiiraan Online
Mogadishu,Somalia
[email protected]