4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 16, 2017
Maayarkii degmadda Xariirad oo Daad qaatay u geeriyooday iyo wasiir ka badbaaday

 

Talaado, May, 16, 2017 (HOL) - Alla ha u naxariista waxay  Daad uu qaaday Maayarka degmadda Xariirad ee gobolka Awdal Marxuun Abokor Xassan guuleed  kadib markii shalay makhribkii gaari ay la socdeen wafti xukuumadda ka tirsan uu daadkaasi qaaday.

Weftigan uu maayarka geeriyooday la socday ayaa waxa ka mid ahaa wasirka ciyaaraha iyo dhalinyaradda Cabdirisaaq Waaberi Rooble, waxaana halkaasi laga soo badbaadiyey wasiirka iyo xubno kale oo la socday.

Dooxan gaadhiga uu maayarku ku jiray qaaday ayaa magaciisa la yidhaahda Sac-Waraabis waxaana uu 5km dhinaca koon-fureed ka xigaa magaalada Boon.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha ayaa sheegay in wasiirka dhalinyaradda iyo xubnihii la socday ay aad u fiican yihiin, haseyeeshee uu geeriyooday Maayarkii Xariirad.

Waftigan uu hogaaminayo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa waxa ay kusii jeedeen degmada saylac halkaasi oo ay hawlo shaqo ka soo qabanayeen, waxanay ka hawlgalayeen inay ka qaybqaataan inay dadweynaha gobolka Awdal kaadhadhka doorashooyinka qaataan.

Sikastaba ha ahaatee, wakhtiyadda roobabka gu’ga bilaabmo ayaa waxa inta badan ka dhashay khasaaraha ay dooxyaddu gaystaan, waxaana sanad walba u dhintay dad faro badan oo dooxyaddu qaataan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.