4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2017
Faafaahin: Al shabaab oo weeraray saldhiga ciidamada dowladda Kenya

 
Talaado, May, 16, 2017 (HOL)- Al shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidanka dowladda Kenya oo ku yaalla meel u dhow magaalladda Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Weerarka waxaa uu ka dhacay degaanka Cumar-Jilacow oo aan ka fogeyn magaalladda Mandhere.

Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya, ayaa sheegay in aysan wax khasaara ah ka dhalan weerarkii Al shabaab ay ku qaadeen saldhigooda.

Al shabaab ayaa dhankooda sheegatay in ay weerarka ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kuwas oo dagaal xooggan kula jira Al shabaab.

Dhinaca kale Axadii lasoo dhaafay, maamulka Gobolka Gedo ee Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay duqey ay diyaaradaha dowladda Kenya ay ka fuliyeen dhul howd ah oo ku yaalla Gobolka Gedo.

Diyaaradaha ayaa duqeyay degaanka Kedis oo 25km u jira magaalladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo, sida mas’uuliyiinta degaanka ay sheegeen.

“Ugu yaraan 17 dagaalyahano oo Al Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeynta, laba gaari oo mid kamid ah qori uu saaranyahay ayaa sidoo kale duqeynta ay saameysay”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in diyaaradaha ay raadsanayaan saldhigyada Al Shabaab, waxaana sidoo kale uu beeniyay in dad rayid ah ay khasaare kasoo gaareen duqeynta.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Alqaadi, ayaa dhankiisa warbaahinta u sheegay in guulo laga gaaray howlgalladii ugu dambeyay ee ay fuliyeen diyaaradaha dowladdaha Kenya iyo Mareykanka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia