Jimco, May, 12, 2017 (HOL) - Kooxda kubbada cagta Chelsea ayaa ku guulaystay koobka horyaalka Premier leaque-ga kadib markii xili danbe 1:0 ku soo garaacday kooxda West Brom, waxaana xusid mudan in Chelsea waqti dheer ku qaadatay goolka sida rasmiga ah ugu gacan galiyay hanashada koobka Premier Leaque-ga.
Markii la gaaray daqiiqadii 82 AAD ayeey kooxda Chelsea u suurgashay in ay jabiso niyada kooxda West Brom iyo taageerayaasheedana kaddib markii Michy Batshuayi gool Chelsea u horseeday ciyaarta kula wareegtay waxaana shaqada iyo caawinta goolkan lahaa César Azpilicueta waxayna ciyaarta noqotay 1:0 ay Chlesea ugu danbayn hogaanka ciyaarta ku qabtay.
Hasse ahaatee dhinaca kale marka la eego kooxda West Brom ayaa iska caabin layaab leh kala hortimid kooxda doonaysya in ay koobka Premier Leaque-ga ku soo guulaysto ee Chelsea, taasoo cayaarta ka dhigtay mid xiiso badan oo soo jiidatay dhamaaba indhaha daawadayaasha.
Laakiin ugu danbeyntii cayaarta ayaa ku so dhamaatay 1:0 ay Chelsea xili
danbe guul kaga soo gaadhay West Brom si ay ugu guulaysto koobka Premier
Leaque-ga isla markaana ay si rasmi ah ugu soo gabagabayso sheeadii tartanka
Premier leaque-ga ee xili ciyaareedka 2016/17.\
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]



