4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2017
Madaafiic ku dhacday agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya

Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Tiro madaafiic ah ayaa goor dhaw ku soo dhacay nawaaxiga madaxtooyadda Soomaliya ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafaddaha 15-May ee dhabarka dambe ee Madaxtooyada.

Madaafiicdan ayaa la maqlay abaare duhurnimadii maanta, lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in tiro madaafiic ah oo qoriga hoobiyaha loo adeegsaday ay ku soo dhaceen xaafaddaha ay degan yihiin, laakiin ma aysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Ugu danbeyntii, hay’addaha ammaanka dowladda ayaan wax war ah ka soo saarin madaafiicdan laga maqlay agagaarka xarunta madaxtooyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]