4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2017
30 sano kadib tartanka degmooyinka Kubaddda Gacanta oo laga bilaabay Muqdishu

Khamiis, Maarso,30, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eennoow, ayaa sheegay in 30 sano, kadib ay qabteen ciyaaraha degmooyinka ee kubadda Gacabta.

Tartanka ayaa hadda waxaa uu yahay mid si toos ah uu uga socda garoonka Wiish ee ku yaallo degmada C/Casiis, waxaana soo abaabulay maamulka cayaaraha ee gobalka Banaadir.

“30-sanno ka hor ayaa ugu dambeysay in la qabto tartan noocan ah, kani waxa uu noqonayaa mid qabashadiisa ay timid muddo kaddib, waxanna galab walba ay ciyaaraha si xiiso leh uga socdaan garoonka Wiish.” Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eennoow.

12 degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir, ayaa ka qeyb galeya cayaaraha kubbadda gacanta.

Waxa kale uu intaa ku daray guddoomiye Eennoow: “Waxaa kasoo qeyb galo taageeroyaal aad u fara badan oo ka yimaaddo degmooyinka gobalka Banaadir, waxanna ay sameyn ku leeyihiin cayaaraha.”, Wareysi uu siiyay wakaaladda SONNA, ayuu ku sheegay.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia