3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2017
Xildhibaano diiday in ay ka qeyb-galaan kullan casha sharaf ah oo uu sameeyay Ra’iisal wasaaraha

 

Khamiis, Maarso,30, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona uga mahad noqay ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda.

Waxaa jira warar sheegaya, in kullanka ay ka maqnaayeen xildhibaano ka mid ah kuwii shalay ka soo horjeestay ansixinta Gollaha wasiiradda. 

Kullankii cashada ee xalay, waxaa ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.

Mudane Xasan, ayaa sheegay in Xildhibaanadda iyo Xukuumadda ay ka wada shaqeyn doonaan, samatabixinta umadda Soomaaliyeed.

“Waad ku mahadsantihiin ansixinta gollaha wasiiradda iyo Barnaamijkeeda, waxaan wada yeelan doonaa wada shaqeyn dhex Marta labada Hay’adood ee fulinta iyo sharci dajinta”, sidaasi waxaa yiri Ra’iisal Wasaraha.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay, Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

Kullankii Baarlamaanka ee shalay waxaa uu ka dhacay xarunta golaha Shacabka, waxaana xaadirtay 241 xildhilbaan, iyadoona uu shir gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Cabdiwali Sheekh Muudeey.

Sida codka loo dhiibtay:

1- Waxaa wasiradda cusub aqbalay: 224 Xildhibaan

2- Waxaa diiday: 15 Xildhibaan

3- Waxaa ka aamusay : 2 Xildhibaan

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
3/30/2017 1:12 PM EST
Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) - Golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyey kadib ansixintii Baarlamaanka ee shalay 29 Maarso 2017.

3/30/2017 10:49 AM EST
Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Iyadoo dhawaan baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug uu shaaciyay in 10ka bisha April la dooran doono madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa dhinaca kale war ka soo baxay maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca waxaa ay ku baaqeen in aan lagu deg degin doorashada madaxweynaha fursadna la siiyo si ay dhinacooda qeyb uga noqdaan doorashada.

3/30/2017 10:28 AM EST
Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Gen:Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa been ku tilmaamay hilib maalmo ka hor la qabtay oo dadka qaar u qaateen inuu yahay hilib bani’aadan.

3/30/2017 10:11 AM EST
Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Wada hadaladii ay lahaayeen maamulada Soomaaliland iyo Khatumo ayaa laga soo saaray qodobo la sheegay in labada dhinac isku afgarteen.

3/30/2017 10:02 AM EST
Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Tiro madaafiic ah ayaa goor dhaw ku soo dhacay nawaaxiga madaxtooyadda Soomaliya ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafaddaha 15-May ee dhabarka dambe ee Madaxtooyada.

3/30/2017 9:04 AM EST
Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlay arimo la xiriira xuduudaha iyo xadka uu maamulkiisa la wadaago gobolka Banaadir, ayaa sheegay in xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ka tirsan yihiin maamulka Hirshabeelle.

3/30/2017 4:09 AM EST
Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) - Gollaha gollaha wasiirada oo maalintii shalay codka kalsoonida ka hellay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay.

3/30/2017 3:06 AM EST
Khamiis, Maarso,30, 2017 (HOL) –Shirka London Somalia Conference, waxaa uu dhacayaa 11 bisha May ee sanadka 2017, waxaana kasoo qeyb-gali doona, madax ka kala socota dhamaan wadamada Bariga Africa, marti sharaf iyo shaqsiyaad ka kala socda hey’adda caalamiga ah.

3/30/2017 2:41 AM EST
Khamiis, Maarso,30, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eennoow, ayaa sheegay in 30 sano, kadib ay qabteen ciyaaraha degmooyinka ee kubadda Gacabta.

3/30/2017 1:34 AM EST
Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb-gashay shirka Jaamacada Carabta ugu soo idlaaday magaalada Camaan ayaa kulan gaar ah la yeeshay boqorka Jordan Amiir Cabdalla-ha Labaad.

3/30/2017 1:09 AM EST
Khamiis, Maarso,30, 2017 (HOL) –Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegeysa in ku-dhowaad 150 Tahriibayaal ah laga cabsi qabo in ay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka ee dalka Libya.

3/30/2017 1:04 AM EST
Khamiis, Maarso,30, 2017 (HOL) –Saaka waxaa dekadda magaaladda muqdishu la sheegayaa in uu kusoo xiran la’yahay markab konteenaro wado, waxaana laga cabsi qabaa in uu soo caariyo.