4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta oo goor dhaw ka furmay magaalada Camaan ee dalka Jordan


Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) – Shir madaxeedkii 28aad ee Jaamacadda Carabta ayaa goor dhaw oo maanta ah ka furmay magaalada Camaan ee dalka Jordan, waxaana shirka Soomaaliya ku matalaya wafdi uu horkacayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ay ka mid yihiin Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha Masar C/fataax Al-sisi iyo hoggaamiyeyaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Qodobada ugu waaweyn ee shirka lagu faaqidi doono ayaa waxaa ka mid ah xaalada bariga dhexe, sida arrimaha Falastiin, Suuriya iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada oo dhamaan dalalka Bariga Dhexe ay caqabado kala kulmaan.

Boqorka Jordan Boqor Cabdalla-ha Labaad oo furitaanka shirka ka hadlayay ayaa sheegay in aysan nabad ka dhalan doonin bariga dhexe inta laga dhisayo dowlad Falastiniyiintu leeyihiin, taasoo loo marayo xalka labada wadan ee Israa’iill iyo Falastiin, taasi oo sal u noqon doonta heshiis nabadeed oo dhex mara carabta iyo israa’iil

Waxaa uu ku eedeeyay Israa’iil inay wali wado dhismayaasha sharci darada iyo deegaameynta dhulka ay xoogga ku heysato ee reer Falastiin, waxaana uu tilmaamay in sii socoshada dhismayaasha ay ka wado daanta Galbeed ay caqabad ku noqoneyso nabada iyo xasiloonida Gobolka.

Madaxda shirka ka qeybqaadaneysa ayaa la filayaa in ay qaraar wada jir ah ka qaataan isku Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku taageerayo in magaalada barakeysan ee Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

Ugu danbeyntii, madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu khudbad ka jeediyo shirka, isagoo weydiisan doona wadamada carabta, inay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]