4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Mashruuc heer qaran ah oo lagu horumarinayo xirfadaha gacanta iyo waxbarashada oo laga daahfuray Kismaayo


Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) –Mashruucan oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo hay'adda Care International ayaa ah mid lagu horumarinayo farsamooyinka gacanta iyo tacliinta sare, waxaana ka qeybagalay xubno ka socday wasaaradaha waxbarashada dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Mashruucan oo ay ku bixi doonto lacag dhan $3.8 Million ayaa ah mid dhalinyarada loogu abuurayo fursado shaqo ayadoo la barayo xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan, waxaa sidoo kale lagu horumarin doonaa tacliinta sare.

Ugu horeyn waxaa munaasibadda ka hadlay xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Yuusuf, isagoo sheegay in barnaamijkan yahay mid laga fulin doono guud ahaan dowlad goboleedyada dalka.

Mashruucan oo ah mid heer qaran ayaa waxaa kasoo qeybgalay wufuud ka kala socota wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo wafdi matalaya gobolka Banaadir.

Madaxweeynaha Jubaland oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka mashruuca ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid faa'iido u leh bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in mashruuca lagu baahiyo guud ahaan gobollada dalka si ay uga faa'iideystaan dadka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa kusoo beegmeeysa xilli ay wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya ay wado dadaallo la doonayo in lagu mideeyo manhajka waxbarasho ee dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.