4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Falanqeyn: Baarlamaanka oo codka kalsoonida ah siiyay Xukuumadda cusub

 

Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) -Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay, Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

Kullankii Baarlamaanka ayaa maanta waxaa uu ka dhacay xarunta golaha Shacabka, waxaana xaadirtay 241 xildhilbaan, iyadoona uu shir gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Cabdiwali Sheekh Muudeey.

Sida codka loo dhiibtay:

1- Waxaa wasiradda cusub aqbalay: 224 Xildhibaan

2- Waxaa diiday: 15 Xildhibaan

3- Waxaa ka aamusay : 2 Xildhibaan

Golaha wasiiradda ee maanta la ansixiya, waxaa lagu dhaariyay isla xarunta golaha Shacabka.

Ra’iisal wasaaraha, muxuu ka yiri kullankii maanta? 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto muddada afarta sano ee soo socoto, waxaana uu baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan Golaha Wasiirada oo arrimahan fulin doono.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kullanka hadal kooban ka jeediyay ayaa Xildhibaannada golaha Shacabka uga mahadceliyay sida codka kalsoonida ah ay u siiyeen Golaha Wasiirada cusub.

Maxamuud Yuusuf, oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa Hiiraan Online u sheegay, in golaha wasiiradda cusub laga sugayo in ay la yimaadaan waxqabad cusub oo taariikhi ah, si ay u helaan kalsoonida umadda Soomaaliyeed.

Goormuu dhacayaa kullanka ugu horeeya ee golaha wasiiradda?

Kullanka golaha wasiiradda cusub ayaa waxaa uu dhacayaa maalinta beri ee Khamiista ah, waxana looga hadli doonaa arrimaha abaaraha iyo amniga. 

Imisa xildhibaan ayaa kasoo horjeeday golaha wasiirada?

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Maxamed Cismaan jawaari, ayaa ku booriyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, in dib-u-eegis uu ku sameeyo, golaha wasiiradda ee uu dhawaan magacaabay, kadib markii 105 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ay soo jeediyeen in golala wasiirada uu dib-ula noqdo Xasan Cali Kheyre.

Golaha wasiirada ayaa waxa ku jira hal ra’iisul wasaare ku xigeen oo loo magacaabay Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeen, iyo 15 wasiiru dowle.

Maxaa iska bedelay aragtidii xildhibaanada diidanaa wasiirada?

Ilaa iyo hadda lama oga, sida ay ku qanceen xildhibaanadii gaarayay 105-ta ee saxiixay in aan la ansixin wasiiradda, balse waxaa jira warar sheegaya in si hoose loo qanciyay, balamo siyaasadeedna ay jiraan.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia