Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo daah furay duulimaadkii ugu horeeyay ee Muqdisho iyo Nairobi
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) -- Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay
daah furka Munaasabad lagu maamuusayay duulimaadkii u horeeyey oo toos ah muddo
toban sano ah oo ay sameyneysay diyaarada African Air kuna wajahneyd magaalada
Nairobi, iyada oo aan ku hakan garoonka Wajeer oo
baaritaan dheeraad ah lagu sameyn jiray duulimaadyada ka baxa garoomada dalka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa arrinkan ku tilmaamay inuu yahay
tilmaan muujineysa xiriirka dhow ee ay leeyihiin dowladda Soomaaliya
iyo dowladda Kenya, isaga oo xusay in dadaalkan ay sameysay xukuumadii
hore iyo hoggaankeeda.
Munaasabada ayaa waxaa joogay taliyaha hogaanka
socdaalka iyo jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi, Maareeyaha guud ee
Garoonka Aadan-cadde, Danjiraha dalka Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo
Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan oo
ah haatan Wasiirka Qorsheynta Xukuumada cusub.
“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaana halkan ku
sagootineynaa duulimaadkii u horeeyey muddo toban sano kadib ee toos u
aadaya Nairobi, isaga oon ku sii hakan doonin Wajeer, waxayna
muujineysaa xushamada iyo qadarinta dowladda Kenya ay u heyso dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri ra'iisal wasaare Kheyre oo sidoo kale
xusay inay muujineyso in garoonka Aadan-cadde uu u shaqeeyo sida
garoomada caalamiga ah, maadaama la xaqiijiyay in duulimaadkii ka soo
baxa uu yahay mid la isku haleyn karo oo aan la sii marsiin meelo kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay maamulka Garoonka
iyo hogaanka socdaalka, isaga oo ku booriyay in laga feejignaado in
aysan soo noqon in mar kale laga shakiyo duulimaadyada ka soo baxaya
garoonka Muqdisho.
“Waa in aad hubin iyo baaris adag ku sameysaan
duulimaadyada iyo dhamaamba qeybaha adeegyada bulshada ee garoonka, si
aysan mar kale u soo noqon in duulimaadyada ka baxa dalkeena aan la oran
la iskuma haleyn karo ee ha lagu sii baaro meelo kale.
Ugu danbeyntii, tallaabadan lagu daah furay dullimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa ka danbeysay hishiis labada madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen dhawaan magaalada Nairobi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]