4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Golaha wasiirada

Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) –Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka, ayaa maanta shir gudoominayay kullanka Baarlamaanka.

1- Tirada Xildhibaanada Aqbashay: 224 Xildhibaan

2- Waxaa diiday: 15 Xildhibaan

3- Waxaa ka aamusay : 2 Xildhibaan

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia