4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Daacish oo weerar Qarax loo Adeegsaday ku dishay Askari ka tirsan ciidamada Puntland

https://www.hiiraan.com/images/2017/Mar/

Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) –Hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday bomb lagu aasay wadada dhinaceeda oo lala eegtay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga gobolka Bari, waxaana qaraxan oo ahaa mid xoogan  uu ku dhacay meel aan wax badan ka fogayn degmada Qandala.

Ilo ku sugan degmada ayaa warbaahinta u sheegay in kolonyada la beegsaday ay ku soo jeedeen degmada Bosaaso ,waxaana lagu soo waramayaa in is-rasaasayn kooban ay dhex-martay ciidamada iyo kooxo la sheegay in ay daacad u yihiin Daacish.

Taliyaha ciidamada Puntland ee aaga Qandala Yusuf Maxamed ayaa sheegay in rasaasayn muddo socotay ka dib ay kooxihii weerarka soo qaaday goobta ka baxsadeen ,isla markaan ay socdaan baaritaano dheeri ah oo arintan la xiriirta.

“Weerarka  ka dib waxa ay u baxsadeen dhanka buuraha ku teedsan degmada Qandala , waana lagu  raad-joogaa “ ayuu yiri taliyaha oo tilmaamay in kooxo yar oo ka tirsan ISIL ay wali ku sugan-yihiin qaybo kamid ah gobolka Bari.

Ugu danbayn ,askari kale ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhaawacmay weerarkan lala beegsaday ciidamada Puntland ,waxaana dhawaantan uu maamulka Puntland ciidamo tiro ah u diray degmada Qandala oo bilo ka hor gacanta ugu jirtay kooxda ISIL.

Faysal M. Hassan
[email protected]