3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Laba askari oo dowladda ka tirsan oo lagu weeraray Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa xalay xaafada Buur-dheere ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, ku dilay askari ciidanka NISA ka tirsanaa, iyagoona sidoo kale dhaawacay askari kale, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Maamulka degaanka ayaa sheegay, in kooxihii hubeysnaa ay baxsadeen.

Askarta la weeraray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Anas iyo Ibraahim Shigshigow.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday ciidankaasi ka tirsan nabadsugida Soomaaliya.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Askarta la rasaaseeyay, iyaga oo sidoo kale sameeyay baaritaano la xiriira falkan.

Amaanka magaaladda Muqdishu, beriyii lasoo dhaafay aad ayaa loo hadalhayay.

Weerarka lagu qaaday askartaasi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo isla xalay, rag hubeysan ay degmadda Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, ku dhaawacay Maxamed Isaaq Tubane, oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaannada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
3/29/2017 10:55 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) – Shir madaxeedkii 28aad ee Jaamacadda Carabta ayaa goor dhaw oo maanta ah ka furmay magaalada Cummaan ee dalka Jordan, waxaana shirka Soomaaliya ku matalaya wafdi uu horkacayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

3/29/2017 9:24 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) –Mashruucan oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo hay'adda Care International ayaa ah mid lagu horumarinayo farsamooyinka gacanta iyo tacliinta sare, waxaana ka qeybagalay xubno ka socday wasaaradaha waxbarashada dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

3/29/2017 8:28 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) -Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay, Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

3/29/2017 8:21 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay daah furka Munaasabad lagu maamuusayay duulimaadkii u horeeyey oo toos ah muddo toban sano ah oo ay sameyneysay diyaarada African Air kuna wajahneyd magaalada Nairobi, iyada oo aan ku hakan garoonka Wajeer oo baaritaan dheeraad ah lagu sameyn jiray duulimaadyada ka baxa garoomada dalka.

3/29/2017 6:14 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) –Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

3/29/2017 5:35 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa kordhisay bandowga saaran degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya kadib markii ay soo baxeen warar la xiriira weeraro ay damacsan yihiin Al-shabaab in ay ka fuliyaan degmada.

3/29/2017 4:12 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Duulimaadkii u horeeyay oo si toos ah uga baxa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu si toos ah uga degto garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

3/29/2017 4:05 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) –Hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday bomb lagu aasay wadada dhinaceeda oo lala eegtay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga gobolka Bari, waxaana qaraxan oo ahaa mid xoogan uu ku dhacay meel aan wax badan ka fogayn degmada Qandala.

3/29/2017 2:01 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) -Rag hubeysan ayaa xalay degmadda Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, ku dhaawacay Maxamed Isaaq Tubane, oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaannada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

3/29/2017 1:46 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Jamhuurida Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha wasiiradda ee dhawaan uu soo Magacaabay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre.

3/29/2017 1:32 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo gollihiisa wasiirada ayaa lagu wadaa in ay maanta hortagaan fadhiga xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya si ay u weydiistaan codka kalsoonida.

3/29/2017 1:17 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Ra'isal wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, ayaa saxeexday warqaddii sida rasmiga ah UK ay ugaga baxaysay Midowga Yurub.

3/29/2017 1:09 AM EST
Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Shirka madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa maanta ka furmaya caasimada dalka Jordan ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya madaxada wadamada ku jira ururka.