4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Gollaha wasiirada oo maanta codka kalsoonida weydiisanaya baarlamaanka

 Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo gollihiisa wasiirada ayaa lagu wadaa in ay maanta hortagaan fadhiga xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya si ay u weydiistaan codka kalsoonida.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray cabasho xoogan oo xildhibaannada qaarkood ay ka muujinayeen habka loo soo dhisay xukuumada oo ay ku tilmaamay mid baalmarsan awoodqeybsiga beellaha ee ku saleysan 4.5ka, taasoo keentay in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari uu ka dalbado ra’iisal wasaaraha in uu dib u eegis ku sameeyo xukuumadiisa cuusb.

Hasse ahaatee waxaa muuqata in ra’iisal wasaare Kheyre go’aan ku gaaray in uu hortago baarlamaanka, islamarkaana weydiiyo in ay codka kalsoonida siyaan gollaha wasiirada uu soo dhisay.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Jimcaale oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in baarlamaanka uu meel marin doono xukuumada cusub iyada oo la eegayo ayuu yiri daruufaha kala duwan ee ka jira dalka iyo baahida loo qabo in la helo xukuumad shaqeysa.

Kulanka baarlamaanka maanta waxaa shir gudoomin doona guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gollaha shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]