Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Shirka madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa maanta
ka furmaya caasimada dalka Jordan ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya madaxada
wadamada ku jira ururka.
Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah abaaraha ka jira Soomaaliya
,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda Yemen.
Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta
ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda Carabta ay si buuxda u taageeri doonaan dowladda
Soomaaliya, islamarkaana ay lacago badan ugu yaboohi doonaan dadka ay abaaruhu
Saameeyeen.
Wakaalada Wararka ee dalka Jordan ayaa sidoo kale ku warameysa in qodobada looga
hadlayo shirka ay Soomaaliya uga jirto kaalmaha hore.
Shir ay yeesheen wasiirada rimaha dibada ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa
si weyn loogu faaqidaday abaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka
hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta.
Ugu danbeyntii, madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu Shirka ka jeediyo
khudbad dheer oo uu kaga hadlaayo abaaraha ka jira Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]