4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2017
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo Beledweyne kula kulmay saraaakiil ka tirsan Qaramada Madoobey


Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Beledweyne kulan kula qaatay, saraakiilka tirsan Qaramada Midoobay,waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira wax ka qabashada baahiyaha ka jira deegaanada Hirshabelle.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay qaar ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle, waxaana kulanka uu Ku bilowday isbarasho wasiirada Hirshabelle iyo saraakiisha Qaramada Midoobay, iyagoo balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan  maamulka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa warbixin ka dhageysay Saraakiisha QM, ee ku aadan waxqabadkooda, Iyo qorshayaasha uga degsan mashaariic fulinta deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne in ay muujiyaan doorkooda kaga aadan dib u dhiska iyo horumarinta guud ahaan deegaanada Hirshabeelle, iyo in ay xaliyaan cabashada dadka deegaanka oo ay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale ka dalbaday Saraakiisha in UN-ka inta kulankooda ay Ku guda jireen, in ay si dhaw ula shaqeeyaan hay'addaha dowladda Hirshabelle kaalina ay ka qaataan, sidii loo tayeyn lahaa.

Ugu danbeyntii, saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda Hirshabelle ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan, qorshahooduna yahay inay mashaariicyo ay ka fuliyaan.

Kulanka ayaa yimid kaddib markii maalintii shalay xubno ka tirsan xubno ka tirsan gollaha wasiirada maamulka eedeyn kulul u jeediyeen hay'adda QM ee ka shaqeeya arimaha gargaarka oo ay ku eedeeyeen in ay ka gaabiyeen howlihii loo idmaday iyo guud ahaanba wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka.