Maqaayadaha Soomaalida ee Minnesota oo maalin u qabtay wax ka qabashada abaaraha
Isniin,Maarso,27(HOL) Maqaayadaha Soomaaliyeed ee ku yaal gobolka Minnesota ayaa
qoondeeyay in maalinta Jimcaha ee April 7 ay dhaqaalaha soo gala boqolkiiba konton ay ku deeqayaan wax ka
qabashada abaaraha Soomaaliya.
Gudi ay iska soo xuleen ilaa in gaaraysa 40 maqaayadood ayaa
xalay shir saxaafadeed ay ku qabteen Minneapolis waxay cadeeyeen arinta aan kor
ku soo xusnay .
Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ka mida gudigaa ayaa HOL u
sheegay in loo baahan yahay maalintaa
qoysaska iyo dhalinyarada oo dhami ay soo baxaan tagaan maqaayadaha cuno ka iibsadaan
ama ay gataan fanuunadaha aan ku muujinayno wax ka qabashada abaaraha ayuu yiri
Kaahin.
Ilaa iyo xiligii ugu horaysay ee abaaruha ka dhaceen
Soomaaliya ayaa qurbojoogtu waxay dadaalo ay dhaqaalo aruurin ugu sameeynayaan
abaaraha , waxaana 17kii bishaan Maarso
dhamaan masaajidada ay ururiyeen lacago loogu talagalay abaaraha mana
jirto gudi ay ku midaysan yihiin oo sheegay tirade lacagaha la qabtay ama
ladiray maalintaa .
Maxamuud Shiikh Cabdi oo ka mida Soomaalida dagan Minnesota oon kula kulmay goobta shir saxaafadeedka
maqaayadleeydu ku dhacaayay ayna ku sugnaayeen qaar ka mida hay’adaha gargaarka
ee Soomaaliyeed ayaa aad u dhaliilay
marka lacagaha la guro waxa toos loogu diri waayay gudiga qaran ee abaaraha
taas oo dowlada Soomaaliyana aqoonsan tahay,
ayna hormuud ka yihiin culumodiinka waawayn ayuu yiri Maxamud, waxuuna
tusaale u soo qaatay Soomaalida dagan Columbus Ohio oo waxii ay ururiyeen
dhamaan u diray gudiga qaran ee abaaraha.
Ugu danbayntii waxaa xusid mudan in labo maqaayadood oo
Soomaalidu aysan lahayn macmiilse ka
yihiin kula jiraan qorshaha maalinta April 7 maqaayadaha Soomaalida kuwaas oo
kala ah Holyland & Mapps oo ku yaal
Minneapolis Minnesota
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis,MN