Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) -Ardayda wax ka Barata Jaamacadda Golis Faraceeda Laascaanood ayaa wada olole ay agabyo kala duwan ka ururinayaan magaalada daafaheeda si ay ugu
caawiyaan dadka abaaruhu caydheeyeen ee gacanta u baahan.
Xafsa
Ducaale oo aan kula kulmay iyadoo hawshaasi ku dhex jirta ayaa waxay
HOL u sheegtay markii ay arkeen xaalada dadkoodu ku sugan yihiin ayaan
go'aansanay in aan anaga, maamulkayaga iyo dadweynahaba aan iskaasi
samayno.
"Ficilka ayaan anagu samaynaynaa, guri
kastana waan is hortaagaynaa, waxaana ka qaadaynaa wixii aan ka helo
haday tahay raashin, Dhar Weel iyo wixii kale ee aan ka helo" ayay tidhi
Xafsa, waxaana ay ay intaas ku dartay inay guul weyn ka soo hooyeen.
Gudoomiyaha
Jaamacadda Golis ee Laascaanood Maxamed Jaamac "Filibiin" ayaa noo
xaqiijiyey in ay hawlgalkan si wadajir ah ay u wadaan macalimiinta iyo
ardayda Jaamacaduba.
"Way adag tahay in aan waxbarasho wadno keliya inta ay dhegahayaga soo gaadhayaan dhiilada naxdinta leh ee dadkayaga ku habsatey, Ilaahay ayaa la sugayaa gargaarkiisa laakiin anagu waan isku wadaynaa gurmadka iyo waxbarshada" ayuu yiri Filibiin oo Hiiraan u waramayey.
Dadaalka
la doonayo in lagu dardaaro dadka dhibaataysan oo haatan la sheegayo in
ay ku sii siqayaan 30,000 oo qoys guud ahaan gobolka Sool, ayaa waxaa
jira dad badan oo iskood isu abaabuley oo wada gurmad ay dadka
magaalooyinka dhaqaale iyo agab kaga ururinayaan kuwaas oo ay ka mid
yihiin Midiwga Dhalinyarada, Ardayda Dugsiyada Sare iyo qaarkale oo
qabaailka hoose ay gaarkooda u wadaan.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool