4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2017
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray waddo dib u dhis lagu sameeyay+Sawiro

 

Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaala ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray wadada "Digtoor ka dare" oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir uu ku sameeyay dib u dhis.

Wada Dr kadare, ayaa waxaa ay dhexmartaa Degmooyinka Kaaraan Iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay shacabka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdishu,  Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka shaqeeyay dhismaha wadadaan.

Dhinca kale, Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka ay saameeyeen Abaaraha.

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa si dar-dar ah ku socday dhismayaasha wadooyinka magaaladda Muqdishu.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia