4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2017
Madaxweyne Shariif Xasan oo sheegay in uu magacaabi doono Ra’iisal wasaaraha Koonfur-galbeed

 

Isniin, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in uu doonayo in maamulka Koonfur Galbeed uu u sameeyo Ra’iisal Wasaare.

 “Hadii la ansixiyo xubnaha wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, maamulka Koonfur Galbeed, waxaan u sameyn doonaa, Ra’iisal Wasaare” sidaasi waxaa yiri Shariif Xasan.

Maamul-gobolleedyada dalka Soomaaliya, ayaana loo ogoleyn in ay yeeshaan Ra’iisal wasaare iyo wasiiradda qaar.

Warqadaha iyo Qalimaanta ayaa isku-keen dul-saaran, haddii la ansixiyo wasiiradda, waxaan ku dhawaaqeynaa Ra’iisal wasaare, ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay.

Arrinta uu ku dhawaaqay Shariif Xasan, ayaa u muuqata mid ay kaga soo horjeedaan, wasiiradda uu Xasan Cali Khayre uu ku dhawaaqay todobaadkii hore. 

Haddii maamulka Koonfurta-galbeed ee Soomaaliya uu yeesho Ra’iisal wasaare, waxaa midaasi ay noqon kartaa mid aan waafaqsaneeyn Qaanuunka Federaaliisamka ee Soomaaliya, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Pro Maxamed Cali oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa kusoo aadaya xili Baarlamaanka Soomaaliya ay dooda adag ka leeyihiin ansixinta gollaha wasiirada uu soo magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia