Khamiis, Maarso, 23,
2017 (HOL) – Xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday
magaalo xeebeedka Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarkan oo ahaa mid xooggan ayaa Al-Shabaab waxay dhowr jiho ka weerartay
degmadaas, iyadoo gudaha u gashay sida dadka deegaanka xaqiijiyeen.
Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Madoobe ayaa warbaahinta u sheegay inay
iska caabiyeen Al-Shabaabki xalay soo weeraray, iyagoo tilmaamay in haatan ay
ku daba jiraan raadkooda.
Waxaa uu sheegay in laftirkiisa uu ka mid ahaa ciidamada xalay la dagaalamay, waxaana uu xusay inay
khasaare u geysteen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka gubeen ciidanka dowladda labo
gaari, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray ciidamada dowladda.
Ugu danbeyntii, ciidamada AMISOM ayaa saldhig ku leh duleedka magaalada
Baraawe iyo halka looga galo, waxaana gudaha magaalada ku sugan ciidamada
dowladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]