Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka furmaya shir ay yeelanayaan masuuliyiinta ugu sareysa Soomaaliya iyo Kenya sida horey loo sii shaaciyay.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo iyo dhigiisa Madaxweyne Uhuru
Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan xiriirka labada dowladood.
Gaar ahaan shirka ayaa diirada lagu saari doonaa xaalada Qaxootiga
ku jira xerada Dhadhaab, Abaaraha Soomaaliya ka jira, Amniga, Ganacsiga iyo isu
socodka Labada dal.
Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay
ujeedka uu madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku tagay in ay tahay ka qeybgalka
shirka maanta ka furmaya magaalada Nairobi, ayna rajeynayaan in guul uu ku soo
dhamaado.
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweynaha uu ka qeybgalo shir madaxeedka
urur gobolleedka IGAD ee 25ka bishan maalinta Sabtiga ka furmaya magaalada
Nairobi, kaa oo diirada lagu saari doono arimo dhowr ah oo khuseeya gobolka
guud ahaan.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali doona shir-madaxeedka urur goboleedka
IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu
saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta
Qaxootiga.
Ugu danbeyntii, madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayeey booqasho rasmi ah shalay uga bilaabatay magaalada dalka Kenya tan iyo markii xilka loo doortay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]