Isu soo bax roobdoon ah oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo [Sawirro]
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Boqollaal dadweeyne ah ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Isbartiimo Feekiyo halkaa oo ay ku oogayeen salaad Roobdon ah oo Alle looga baryayay in uu abaaraha ka dulqaado shacabka Soomaaliyeed.
Isu soo baxan roobdoonka ah oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen wasaaradda cadaaladda iyo arimaha diinta dowlad goboleedka Jubaland iyo culumaa’udiinka Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka tirsan Jubaland oo uu ugu horeeyo madaxweeyne ku xigeenka 2-aad Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere.
Qaar kamid ah culumaa’udiinka Kismaayo oo khudbado ka jeediyay isu soo baxa roobdoonka ah ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay Alle u noqdaan islamarkaana danbi dhaaf weeydiistaan.
Sidoo kale, Culumaa’udiinka ayaa duco halkaasi ka aqriyay, ayagoo Alle ka baryay in uu roob u keeno shacabka u le’anaya oonka iyo gaajada ee gobollada Soomaaliya.
Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya ayaa galay heerkoodii ugu adkaa, ayadoo dadka xoolaleeyda ay bilaabeen in ay u barakacaan magaalooyinka, kadib markii intooda badan ay ku xoolo beeleen abaaraha.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Faafaahin: Qarax xoogan oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay magaaladda Muqdishu
- Qarax xoogan oo ka dhacay magaaladda Muqdishu
- Roob lagu qabowsaday oo galabta ka da’ay magaaladda Hargeysa iyo hareeraheedda
- Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay magacaabista gollaha wasiirada
- Madaxweynaha Soomaaliya oo xilal cusub magacaabay
- Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay sifaha uu ku soo xushay gollihiisa wasiirada
- Qof u dhintay maandooriye uu cabay magaalada Burco ee gobolka Togdheer
- Jaamacada Banaadir oo deeq gaarsiisay dad ka soo barakacay abaarta
- Hargeysa: Laba Nin oo neef bakhtiyey doonayey inay dadka ka iibiyaan oo la qabtay
- Liiska Dadka ugu Hodan-san Dunida oo la shaaciyay iyo jeff Bezos oo Hal sano ku Faa’iiday Adduun dhan 27.6 Bilyan
- Wasaarad cusub oo lagu soo kordhiyay xubnaha gollaha wasiirada
- Waa maxay shaqada ugu horeysa ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Cusub ?
- Akhriso liiska xubnaha gollaha wasiirada oo dhameystiran
- Saacadee maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo Golaha wasiiradda?
- Fanaanada Nimco Yaasiin oo Minnesota uga qaybgalaysa Barnaamijka Midnimo
- Mareykanka oo mamnuucay in diyaaradaha lala raaco Aaladaha qaar ee Batariga ku shaqeeya
- Faah faahin ku saabsan weerar xalay ka dhacay magaalada Muqdisho