Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) – Munaasabadan abaalmarinta aya waxaa sanadkii sedexaad lagau abaalmariyey shaqsiyaad iyo shirkada kamid ah somalida si loo dhiirageliyo waxaana munaasabadan soo qabanqaabisay Hay’ada ISA oo loo soogaabiyey abaalmarinta caalmaiga ee soomaalida waxana laguq abtay bartamaha magaalada London.
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen shirkado, madax, aqoonyahano iyo fanaaniin ayaa xalay afar abaalmarin oo caalami ah lagudoonsiiyay shaqsiyaad iyo shirkado loo arkay in ay mutaysteen
Dhinaca fanaanniinta waxaa abaalmarinta sandkan helay Fanaanka weyn ee Axmed Naaji Sacad halka dhanka arimah samafalka l asiiyey Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xalay 30 cisho ugu buuxsatay xabsiga dhexe ee magalada Hargeysa tan iyo markii la xiray bartamihii bishii tagtay ee February
Hay’ada ISA oo gacan ay ka helaysay shirkado iyo shaqsiyaad soomaaliyeed oo taaba geliyey barnaamijkooda in uu qabsamo ayaa ugu mahadcelisay dadka maalgeliyey Abaalmarinadaan iney qabsoomaan waxana sidoo kale ay sheegeen in sanadwalba ay sidan oo kale u wadidoonaa maadaama arintan ay tahay mid dhiiragelin u ah bulshada soomaliyeed dhanka waxbarashada, dhaqanka, ganacsiga iyo sportiga .
Ibrahim Omar Baafo
Hiiraan Online London
[email protected]