4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2017
Mooshin laga keenay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan

 Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed ayaa guddoonka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada ayaa madaxda uga sarreysa maamulka ku eedeynaya waxqabad la’aan iyo in ay ka gaabiyeen howlihii loo idmaday ama loo doortay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay rajeynayaan in mooshinkan uu baarlamanka dood ka yeesho 20bishan Maarso, ayaga oo guddoonka baarlamanka ugu baaqay inuu xildhibaanada u furo hoolka baarlamanka.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa gaaraya illaa 75 xildhibaan, waxaana ay sheegeen in marnaba sida ay hadalka u dhigeen ka laaban doonin mooshinka sidii marar badan hore dhacday.

Ugu danbeyntii, xildhibaannada mooshinka ku saxiixan oo noqonaya tiradii ugu badneyd marka la eego tirada guud ee xildhibaannada maamulka Koofur galbeed ayaa la ogeyn halka uu ku danbeyn doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]