4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2017
Isbitaal laga hergaliyay deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug


Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha Hay’adda Horumarinta Mudug (MDO) Prof. Cabdirisaaq Axmed Dalmar, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ee gobolka Mudug, dhaqaatiir, xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa booqday degaanka Bandiiradley, iyagoo xariga ka jaray dhismaha Isbitaal cusub oo degaankaas laga hirgeliyey kaasoo si bilaash ah ugu adeegi doona bulshada degaanka.

Isbitaalkan oo dhismihiisu socday muddo badan, baahi badana ay u qabeen shacabka ku nool Bandiiradley ayaa waxaa hirgelintiisa iska kaashaday NGO-yo Maxali ah, qurbajoog iyo dadka degaanka qaarkood.

Prof. Dalmar oo munaasabadaas hadal ka jeediyey isagoo ku hadlayey magaca heyaddaha ka qeyb qaatay dhismaha Isbitaalkan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka Isbitaalkan laga dhisay Bandiiradley oo uu xusay iney tahay degmo qadiimi ah oo dad fara badan ay ku nool yihiin.

“Waxaan u mahad celinayaa heyaddaha Himilo, Human Conern, qurba joogta ka soo jeeda degaanka iyo intii kale ee ka qeyb qaatay dhismaha isbitaalkan quruxda badan, sidoo kale. Waxaan Kaloo ku faraxsanahay inaan halkan ka caddeeyo in heyadda Mudug Development Organization ay ku deeqday qalabka ugu horeeya ee isbitaalku ku howlgalayo” ayuu yiri Dhaqtarka.

Dr. Dalmar ayaa sharaxaad ka bixiyay qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka iyo waxyaabaha ka dhiman ee loo baahan yahay in loo dhameystiro.

Waxaa uu xusay in haatan la diyaariyay illaa afar qeybood oo kala ah qeybaha bukaan socod eegtada oo wadata farmashiga daawada laga bixiyo, gargaarka deg deg ah, Sheybaarka iyo qeybta hooyada iyo dhallaanka. Waxaana uu sidoo kala sheegay inay dhiman yihiin qeybo ay ka mid yihiin Jiifka, nafaqada, cudurada faafa, Masaajid, Ceel iyo waxyaabo kale oo u xusay in loo baahan yahay in lagu soo kordhiyo.

Duqa dagmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo munaasabada furitaanka Isbitaalka ka hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isbitaalkan, isagoo u mahad celiyay hay’adihii iyo shaqsiyaadkii iska kaashaday hirgalintasa.

“Arritani waxay muujinaysaa haddii bulshadu iskaashato iney wax badan qabsan karto, isbitaalkana waa bilow, howl badan ayuu u baahan yahay, haddii la iskaashado rabbina la talo saarto waxa dhiman lama waayi doono” ayuu yiri Xirsi Yuusuf Barre oo shacabka Bandiiradley kula dardaarmay iney xanaaneeyaan Isbitalkan cusub kana faa’ideystaan.

Waxaa sidoo kale munasabadaas ka hadlay Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo Maxamed Cabdi, isku duwayaasha wasaaradda Caafimaadka dowlada Somallia iyo maamulka Galmudug oo balan-qaaday iney kaalintooda ka qaadan doonaan howlaha shaqo ee isbitaalka iyo dhameystirka wixii ka dhiman.

Intii ay socotay munaasabadan waxaa si gaar loogu mahad celiyey Shiikh Axmed Shiikh Cilmi oo ka mid ah waxgaradka Bandiiradley kaasoo ku deeqay dhulka uu ku fadhiyo Isbitaalkan oo cabirkiisu gaarayo 100x100, waxaana loogu duceeyey inuu ILAAHAY ka siiy ajir iyo xasanaad fara badan.

Waxgarad, dhalinyaro iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Bandiiradley oo iyana munaasabadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey dhamaanba intii ka qeyb qaadatay dhismaha isbitaalkan, iyagoo xusay iney uga maarmi doonaan hooyooyinkii foolanayey ee jidka ku dhiman jiray inta loo sii wado Gaalkacyo oo masaafo badan u jirta, waxayna balan-qaadeen iney ka shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa, iyadoo munaasabadan ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]