4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2017
Gudiga gurmadka abaaraha oo warbixin soo saaray

 Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Gudiga gurmadka heer Qaran ee abaarta ka jirta qeybo kala gadisan ee dalka ayaa markii ugu horeysay soo saaray warbixin ka hadleysa heer iyo xajmiga ay leedahay abaarta ku dhuftay dalka taasoo meelaha qaar galaafatay nolasha dad isugu jiray caruur iyo waayeel.

Xaaladda Abaaraha ee Dalka

Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid baahsan, safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee la soo dhaafay oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta hadda ka jirta dalka waxay saamaynta ugu badan u geysatay xoolaha, beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan.

Roobka Gu’a (April-June) hadii uu da’o, waxaa sedex bilood oo kale lasugaya gurashadiisa, hadii uusan da’in ama yaraado qatar intaan ka badan ayaa laga baqaya sidii 2011

  • Waxaa in kabadan 3,63,000 oo caruur ah nafaqa daro haystaa oo ay kamid yihiin 71,000 oo aad udaran
  • Waxaa macluul ay ku bilaabatay in kabadan 2.9 malyuun oo qofood
  • Waxaa 3.3 malyuun oo qofood ay cunta yaraan daran haysataa
  • Waxaa ay galaafatay 70% xoolo nooc walba leh
  • Waxaa deegaanada qaar Koonfurta Soomaaliya ka dilaacay daacuun calooleed ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1630 qofood
  • Waxaa guray wabigii Shabeelle, haddana waxaa isna guri raba Jubba
  • Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha
  • Waxaa degaanadoodii ka barakacay 1.3 malyuun qofood oo hadda dul degan magoolooyinka waawayn
  • Isku celcelis waxaaa kaalmo u baahan in kabadan 6.2 malyuun qofood oo Soomaaliyeed

Natiijada ka dhalatay abaaraha

  • Dhimashada dadka oo bilaabatay cuduro iyo gaajo kadhalatay abaarta darteed
  • Dhimasho xoolaha ku timid calaf la’aan iyo biyo la’aan darteed.
  • Cuduro ku dhacay xoolaha
  • Barkacayaasha oo ku soo badanayo  Magaalooyinka waa wayn  sida;  Banaadir,  Garoowe, Baydhabo,  Kismaayo, Beladwayne, Jowhar, Hargaysa, Cadaado, Gaalkacyo,  Beledwayne iyo meela kale oo badan.

Dakhliga soo xerooday

Waxaa dowladda iyo dadkeedaba ku deqeen dhaqaale aanan ku filnayn baahida taagan oo aad u baaxadwayn owgeed lacagtaas oo dhan $1,318,492.34. Wuxuu Guddigu gaarsiiyay $935,000 Guddiyada Gurmadka Abaaraha ee Heer Deegaan iyo raashin.

Deeqaha la filaayo

Dowladda

$9,935,840

Ganacsatada

$3000,000

Dadwaynaha

$1500,000

Qurba Joogta

$7000,000

Wadarta guud ee lafilayo

$21,435,840

Sidoo kale deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka waxay wadaan dadaalo arrimaha abaaraha wax looga qabanaayo waxayna balan qadeen 482malyuun.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]