4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2017
Ardeydii ugu badneyd ee ka qalinjabisay Jaamacada SIMAD oo munaasabad loo qabtay


Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen arday dhameysatey darajada koowaad ee bachelorka jaamacadda SIMAD ayaa maanta ka dhacday xarunta jaamacadda SIMAD.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Wakaaladda Muslimiinta Afrika ee Soomaaliya ahna Xubin ka mid ah golaha sare ee Jaamacadda, Maamulka sare ee Jaamacadda oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaamacadda, Dahir Hassan Arab, macalimiin, arday iyo marti sharaf kale.

Ardayda ayaa noqonaya dufcadii 12aad ee ka qalinjebisa Jaamacadda SIMAD, waxayna dhameysteen takhasusaaska kala ah Maamulka iyo Maaraynta ganacsiga, Xisaabaadka iyo cilmiga computer-ka, culuumta bulshada, iyo culuumta sharciga.

Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD, Ustad Dahir Hassan Arab oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu hambalyo u diray dhamaan ardayda qalinjebinaysa, waxa uuna sheegay in maamulka SIMAD ay si weyn ugu faraxsanyihiin in tiradii ugu badneyd ay maanta ka qalinjebiso Jaamacadda SIMAD, waxaa uuna ardayda ugu hambalyeeyey dadaalkii ay sameeyeen afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha wakaaladda nuslimiinta Afrika ee Soomaaliya, Ustad Xasan Badawi oo wakiiil ka ahaa Guddoomiyaha golaha sare ee Jaamacadda ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray dhammaan ardayda qalinjebinaysa kuna baraarujiyey in horey usii wadaan waxbarshadooda.

Xafladdan ayaa aad ugu duwan xaflidihii hore iyadoo xafladdani maanta ay ka dhaceysay Xarunta Weyn ee Jaamacadda oo runtii ka mid ah meelaha ugu quruxda badan caasimadda. Waxaa muuqaalka guud ee Jaamacadda wada qabsaday ardayda qalinjebinaysa oo ay la dabaaldagayaan eheladodooda iyo asxaabtooda.

Ugu danbeyntii, xafladda kadib, waxaa dhamaan ardayda qalinjebinaysa iyo martisharaftii kasoo qeybgalay xafladda ay u istaageen salad roobdoon iyagoo si wada jir Alle ka baryey in uu abaarta ka dulqaado umadda Soomaaliyeed inta ay dhibaatadu sameysayna barwaaqo iyo baraare ugu badalo.