Xarunta xuquuqul insaanka oo xukuumadda ka codsatay in xoriyadiisa u soo celiso wariye Coldoon
Khamiis, Maarso ,16, 2017 (HOL)- Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland ayaa xukuumadda ugu baaqday inay
xoriyadiisa usoo celiyaan wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo ka badan
sodan cisho ugu jira xabsiga magaaladda Hargeysa.
Wariye Cabdimaalik Coldoon ayaa bishii
February 26-keeddii la geeyey maxkamadda mar labaad la keenay maxkamadda
degmadda Hargeysa, taas oo looga qaaday rumaan todoba cisho ah oo xabsi ku hayn
, iyadoo illaa hadana uu xabsiga ku jiro.
“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay
ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso suxufi
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xidhan tan iyo 15-kii February kadib markii
dawladdu ku eedaysay inuu taageeray oo u ololeeyay murashax madaxwayne ka
tartamay Somalia.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay gudoomiyaha xarunta
Xuquuqul insaanka Guuleed Axmed Jaamac.
Waxaanu intaas ku daray
“Cabdimaalik waxa la xidhay kadib markii uu safar kaga soo noqday magaalada
Muqdisho ee dalka Somalia. 18kii February ayay Maxkamadda Gobolka Hargeysa
rumaan garaysay todob cisho. Markii ay dhamaatay todobadii cisho waxa dib loo
horkeenay Maxkamadda 26kii February iyada oo todobo cisho oo kale loo diray
xabsi ku hayn. Kadib dib looguma soo celin maxkamadda. Booliisku waxaay ku eedeeyeen
Cabdimaalik inuu ku kacay hawlo ka dhan ah qaranka iyo faafin warar been abuur
ah, eedda loo haysto Cabdimaalik waxaay salka ku haysaa aragti uu soo dhigay
bartiisa Facebook ga. Xorriyadda hadalka iyo cabiradadda aragtida waxa damaanad
qaaday dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.Ma aha inay Somaliland ka cadhooto
aragti kasta oo ka duwan midda ay aaminsan tahay. Waa in loo ogolaaado in ay
dadku cabiri karaan aragtidooda iyaga oo aan cabsi ka qabin in dhibaato ka soo
gaadho.”
Ugu danbeyntii, xarunta suquuqal Insaanku waxay
sheegeen inay ka codsanaysaa dawlada
Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.