4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2017
Laba ruux oo xoola dhaqata ah oo xalay lagu dilay Gobolka Hiiraan

Arbaco, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Ilaa shan qof oo hubeysan ayaa xalay laba ruux oo Xoola dhaqata ah ku dilay Degaanka Maqasiya oo 15-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Labada ruux ee la dilay, waxaa lagu kala magacaabi jiray, C/naasir iyo Garuun. Warar aan la xaqiijina waxaa ay sheegeen in ay kasoo jeedeen labada qof ee la dilay Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Xaaladda deegaanka Maqaasiya, ayaa saaka kacsan waxaana mamulka deegaanka ay wadaan howlgallo.

Maamulada Hirshabeelle iyo Ahlu-sunna weli kama aysan hadlin.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia