4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Britain oo ka qeybqaadaneysa gurmadka wax looga qabanayo abaarta Soomaaliya

 Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) – Dowladda Britain oo dhinaceeda walaac ba’an ka muujisay abaarta ka jirta qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay dhaqaaale ku bixineyso gurmadka dadka ay sameeysay macaluusha ka dhalatay abaarta.

Xoghayaha arrimaha dibada Britain, Boris Jonhson ayaa sheegay in dowladdiisa ay  ku bixineyso wax ka qabashada abaarta 10  million Pound.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dowladda Britain tageerada ay ku bixiso Soomaaliya islamarkaana ku baaqay in laga dhabeeyo ballan qaadyada.

Madaxweynaha iyo xoghayaha arrimaha dibadda Britain ee maanta booqsha ku yimid dalka ayaa ka wada hadlay ajendayaasha shirka dhaqaalaha loogu aruurinayo Soomaaliya ee 11-ka bish May ee sannadkaan ka dhaci doona London.

Guud ahaa marka la eego wadamada gobolka 16 milyan oo qof  ayaan heysan wax ay cunaan iyo meel ay u doontaan midna, waxaana ugu sii darran caruurta oo bilaabay in ay gaajo u dhintaan.

Ugu danbeyntii, Abaarta iyo colaada ayaa saameyn ku yeelatay nolasha malaayiin qof wadamada South Sudan, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, kuwaasi oo si deg deg ah ugu baahan cunto, biyo iyo daaweyn caafimaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]