4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Turkiga oo xero militari ka dhisay deegaanka Jazeera ee gobolka Banaadir


Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Sii hayaha wasaarrada difaaca Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kormeer ku tagey Saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera, halkaasoo noqon doonta xarun lagu tababari doono Ciidamada  iyo Saraakiisha xoogga dalka.

Xaruntan ayaa qaab casri ah loo dhisay, iyadoo ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan Militari Turkiga oo soo dhoweeyay Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhismaha Xaruntan oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxaana Wasiirka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkigu ay kormeer ku sameeyeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee ay ka kooban yahay dhismaha xaruntan.

Wasiir Diini ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay dhismaha Xaruntani ay door weyn ka ciyaari doonto horumarinta iyo kor u qaadidda tayada Ciidanka, gaar ahaan Saraakiisha oo ilaa iyo Dawlad burburkii aan helin goob kamid ah dalka ay ku tababartaan.

Ugu danbeyntii, Turkiga ayaa dhowaan sheegay inuu saldhig Militari ka dhisanayo Soomaaliya, kaasoo lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya, waxaana saldhigan uu noqonayaa kii u horeeyay ee gudaha Soomaaliya ka furtaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]