4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Madax furasho laga dalbaday Markab dhawaan lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

 Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Koox hubeysan oo xeebaha Soomaaliya ka qafaashay Markab sida shidaal Isniintii ayaa dalbaday madaxfurasho, sida uu shaaciyay hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda.

Maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa xiriir la sameeyay ragga hubeysan ee afduubtay markabaasi oo lagu magacaabo Aris 13 oo ay maamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta.

Burcad badeeda ayaa la sheegay inaysan faahfaahin ka bixinin inta ay dhantahay madaxfurashada ay dalbanayaan.

Waa afdiuubkii ugu horreeyay oo ka dhaca xeebaha Soomaaliya tan iyo sanaddii 2012-kii.

Markabkan oo ka soo shiraacday Jabuuti ayaa ku socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho markii uu diray qayladhaan isagoo sheegay in doomo xawaare sare ku socdo ay ku soo socdaan. Wixii intaa ka dambeeyayna qalabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa markabka ayaa la damiyay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Sri Lanka ayaa xaqiijisay in 8 qof oo u dhashay dalkaasi ay saarnaayeen markabkaasi.

Ugu  danbeyntii, dableyda Markabka afduubtay ayaa masuuliyiinta deegaanka u sheegay inay yihiin kalluumaysato qalabakii ay kalluunka ku jillaabanyeen ay ka burburiyeen doomo waaweyn oo si sharci darro ah uga jillaabta xeebaha Soomaaliya.  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]