4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Faah faahin : Kulan dhaxmaray madaxweyne Farmaajo iyo xoghayaha arimaha dibada Britain + Sawirro


Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xog-hayaha arrimaha dibddda dowladda Britian oo ay ka wada hadleen Iskaashiga labada dalka iyo taageerada dowladda Britian ee Soomaaliya.

Kulanka kaddib Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Boris Johnson xog-hayaha arrimaha dibadda Brtain uu ahaa mid taariikhi ah, isla markaana ay isku soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira iyo in si wadajir ah loo xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab, sidoo kalana dowladda UK ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Dhinaca kale xog-hayaha arrimaha dibedda Britian Boris Jonhson, ayaa sheegay in wada hadalka madaxweynaha uu la yeeshay uu ugu horreeyey xiriirka qotada dheer ee labada dal, waxa uu sheegay in dowladda Ingariiska ay 10 milyan oo Boun ugu talogashay abaaraha Soomaaliya ka jira, isla markaana dowladda ka caawin doonaan la dagaallanka musuq-maasuqa iyo arrimaha amniga.

Ugu danbeynti, waxaa uu sheegay in dowladda ay ka gacan siinayaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka, si amniga loogu guuleystana ay si wadajir ah ula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxa uu intaa raaciyey in ay si heer sare ah u socoto qaban qaabada shirweynaha London ka dhacaya ee arrimaha Soomaaliya looga hadli doono bulshada caalamka ay ku yaboohi doonaan taageero buuxda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]