Taliska asluubta oo xariga ka jaray xarun caafimaad oo laga hergaliyay xabsiga dhexe
Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud
Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa xariga ka jaray xarun caafimaad oo xabsiga dhexe
ee Xamar laga hirgaliyey, waxaana xaruntan caafimaad yaala Qalabka lagu baaro cudurada
kala duwan gaar ahaan T.P da, iyadoo Maxbuuskii laga helo cudurkan la siinayo
daawooyinkii loogu talagalay.
Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda
Soomaaliya, taliska ciidamada asluubta Soomaaliyeed iyo hay'adda caafimaadka adduunka
ee WHO, ayaana iska kaashaday hirgalinta xaruntan caafimaad.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed
Jaamac, ayaa sheegay in Xaruntan Caafimaad loogu tala galay in lagu daweeyo maxaabiista
iyo skarta ciidanka asluubta Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dhaqaatiirta ka
shaqeyneyso ay ka tirsan yihiin Ciidanka Asluubta, ayna aqoon u leeyihiin
caafimaadka.
Dhinaca kale wafdi ka socday hay'adda QM ayaa maanta booqday xabsiga dhexe ee
Xamar, iyagoo soo arkay horumarka weyn ee iminka ka jira xabsiga, oo ay ka mid
yahay warshadda tababarka Maxaabiista, xarumaha waxbarasho iyo qeybaha kale ee xabsiga
uu ka kooban yahay, iyagoo taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye
Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ku ammaanay sida uu ka dhigay xabsiyada dalka iyo taliska
ciidamada asluubta Soomaaliyeed, si gaar ah ayey u sheegeyn in xabsiga dhexe ee
Xamar addeegyada laga hirgaliyey ee kala duwan, uusan jirin Xabsi leh, marka
laga hadlayo Qaaradda Africa ee aan ka midka nahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]