4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Hormuud Foundation oo gargaar ku wareejisay guddiga Qaranka ee gurmadka abaaraha

Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) -Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud qeybteeda gargaarka Bulshada ee Hormuud Foundation ayaa raashiin gargaar ah ugu deeqday boqolaal qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka jira gobolada dalka kuwaasoo haatan degan xero looga sameeyey duleedyada magaalada Muqdisho.


Guddoomiyaha heyadda Hormuud Foundation  Cabdullaahi Osman Nuur ayaa gaadiid ay ku raran yihiin qeybaha kala duwan ee raashinka daruuriga ah ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha Qaranka iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xakuumada Somalia.

Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa sheegay in deeqdan ay shirkaddu ugu talo gashay barakacayaasha ku sugan gobolka Banaadir ee ka soo hayaamay abaaraha ka jira gobolada dalka ayna ka kooban tahay 6 Container oo Timir ah, taasoo ka kooban 90,000 Kg (Sagaashan kun oo kiilo) 600 kiish oo bariis ah (Lix boqol kiish oo bariis ah) IYO 2,700 Litr oo Saliid ah.

Gudoomiyaha Hormuud Foundation ayaa faahfaahiyey ujeedada Shirka iyo agabka ay bixisay wuxuuna intaa ku darey inay shirkaddu ay ka howlgasho 11 gobol oo ka mid ah gobolada ay abaaruhu sameeyeen ayna ka qeybisay gargaar kala duwan.

“Sida aad la wada socotaan Hormuud waxay gargaar gaarsiisey, 10 Gobol oo aanu ku jirin gobolkan Banaadir, waxaan ay gargaarka ka qeybisey 42 xarumod oo ay shirkadu ku leedahay 10 gobolka ee aan soo sheegey, waxaana gaarsiiney, cunto, biyo iyo dawooyin” ayuu yiri C/llaahi.

Guddoomiyha Guddiga abaaraha heer Qaran Shiikh Nuur Baaruud Gurxan, Gudoomiyaha Heyada Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Yaxye Cali Hareeri oo deeqdaas guddoomay ayaa uga mahad celiyey shirkada Hormuud kaalinta weyn ee ay qaateen gurmadka abaaraha waxayna balan-qaadeen in deeqdan ay gaarsiin doonaan dadki loogu talo galay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]