4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Xogahayaha arrimaha dibada dalka Ingiriiska oo Muqdishu yimid

 

Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Xogahayaha arrimaha dibada dalka Ingiriiska Boris Johson, ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdishu, saaka oo Arbaca ah.

Safarka Boris, horay looma sii shaacin, lamana oga ujeedaa safarka.

Waxaa la filayaa in uu faafaahin ka bixiyo safarkiisa, isagona lagu wado in uu kulamo la qaato madaxda dowladda Soomaaliya. 

Faafaahinta warka halkaan kala soco.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia