4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Ahlu Sunna : Dowladda dhexe waxaan isku afgarannay arimo dhowr ah

 Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Max’ed Shaakir oo dib ugu laabtay degmada Dhuusa-mareeb, kadib safar todobaadyadii ugu danbeeyay uu ku joogay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay hishiis ay la gaareen dowladda dhexe.

Sheekh Shaakir, ayaa sheegay in dowladda cusub ee madaxweynaha uu ka yahay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo isla soo qaadeen arimo dhowr oo la xirira hagaajinta sida uu hadalka u dhigay xiriirka maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna iyo dowladda dhexe oo xumaa waayadii ugu danbeeyay.

‘’Dowladihii hore maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna hishiisyo ayeey la galleen, waad ogtihiinoo wax oofiyay ma jirin hadda ka hor, waxaan rajeyneynaa wixii hishiis ah ee hadda kadib la galo in la oofin doono, dowladda uu madaxweynaha ka yahay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo waxaan siweyn uga wada hadalnay danta caamka ah ee Soomaaliya iyo tan gaarka ah ee gobollada dhexe, gaar ahaan waxaan isla soo qaadnay dhismaha iyo tayeeynta ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh si looga adkaado Al-shabaab’’ ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaashiii ka socday maamul gobolleedyada dalka ee Muqdisho ee uga qeyb-gallay bishii hore calleemo saarka madaxweyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo wax xooggaa isku soo dhawaasho ah ka dhax abuurtay dowladda iyo maamulka Ahlu Sunna oo markii hore kala taagnaa.

Ugu danbeyntii, maamulka gobollada dhexe Ahlu Sunna ayaa wali diidan jiritaankahorjeeda maamulka kale ee Galmudug, taasoo xumeysay cilaaqaadkii iyo xiriirkii kala dhaxeeyay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh Max’uud afartii sano ee la soo dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]