4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2017
Tababar lagu baranayay cudurada ka dhasha abaarta oo lagu qabtay Muqdisho


Talaado, Maarso, 14. 2017 (HOL) - Tababar maalin socday oo ku saabsan barashada cudurada ka dhasha abaaraha sida Daacuunka (Cholera) iyo nafaqo darada (Mal-nutrition) ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka faa’iideystay boqolaal ka mid ah ardayda wax barata kuliyadaha Caafimaadka ee Jaamacadaha dalka.

Waxaa soo qaban-qaabiyey tababarkan aqoon kororsiga ahaa Ururka dhaqaatiirta ardayda Soomaaliyeed (Somali Medical Students Association) SOMSA, iyadoo casharo ku saabsan cuduradan ay halkaas ka bixiyeen Dr. Maxamed C/llaahi Yuusuf oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo Drs. Luul Maxamuud Maxamed oo ah hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Jasiira, kana mid ah maamulka Isbitaalka Banaadir.

Dhaqaatiirtan ayaa si faahfaahsan uga waramay sababaha keena cudurada daacuunka iyo nafaqo darida, dhibaatooyinka ay u geystaan dadka ay haleelaan iyo hababka looga hortago, loona daweeyo, waxayna xuseen in labadan cudur ay yihiin kuwo dilaa ah oo loo baahan yahay in bulshada si weyn looga wacyi geliyo.

Labada dhaqtar ayaa sidoo kale si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ku saabsanaa cudurada laga hadlayey oo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha ee loo qabtay tababarkan.

Hormuudka Kuliyadda Caafimadka ee Jaamacadda Muqdisho Maxamed Xuseen Booyaaye oo hadalo kooban ka jeediyey halkaas ayaa u sheegay ardayda ka faa’ideystaan tababarada noocan ah oo uu sheegay iney kor u qaadeyaan garaadkooda aqooneed.

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia, ahna hormuudka qeybta waxbarashada sare (Master) ee Jaamacada Banaadir oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey ururka SOMSA ee soo qaban-qaabiyey aqoon kororsigan, macalimiintii bixiyey iyo ardayda ka faaideystay intaba.

“Tabababrkan la xiriiray Cudurada daacuunka iyo nafaqo darada waa mid aad u muhiim ah oo loo baahnaa maxaa yeelay wuxuu ku soo aaday xili cuduradan ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan dhibaatooyin badan maadaama ay dalkeena ka jiraan abaaro meel walba saameeyey, kumanaan qof ayaa u dhintay qaar kalena wey la ildaran yihiin” ayuu yiri Prof. Dufle oo ardayda tababarkan loo qabtay ugu baaqay in waxyaabaha ay barteen ay uga faa’iideeyaan bulshada.

Guddoomiyaha ururka Ururka dhaqaatiirta ardayda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamuud Tuuryare oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey ardayda ka faa’iideystay tababarkan iyo martida kala soo qeyb gashay intaba, wuxuuna xusay in ururka SOMSA uu mar walba qabto tababarada noocan ah si kor loogu qaado aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee ku howlan barashada Caafimaadka.

Ugu dambeyn masuuliyiinta goob jooga ka aheyd tababarkan ayaa shahaadooyin uu bixiyey ururka SOMSA waxay guddoonsiiyeen ardayda ka faaideysatay tababarkan waxayna munaasabadaas ku dhamaatay jawi ad u wanaagsan.  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]