Talaado, Maarso, 14. 2017 (HOL) - Isku soo bixii ugu ballaarnaa oo dadka ay Alla uga
baryayaan in uu ka dulqaado abaarta baaxda leh ee ku habsatay, islamarkaana
siiyo Roob dadka iyo duunyadaba ku diirsadaan ayaa maanta ka dhacay magaalada
Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan.
Isku soo baxan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta
maamulka gobolka Hiiraan culima’udiinka gobolka, ardeyda dugsiyada
waxbarashada, iyo dadweyne isaga kala
yimid qeybaha kala duwa ee xaafaddaha magaalada Beledweyne kuwaa oo Alle ka
baryay in uu umaddiisa ka dulqaado dhibaatada.
Marka laga soo tago salaada Roob doonka waxaa
halkaa ducooyin ka soo jeediyay culimadii ka qeybgashay isku soo baxa, kuwaa oo
ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in sidan oo kale dadku isugu soo baxaan
wadajirna Alle looga baryo in uu siiyo
raxmadiisa.
Ma’aha magaalada Beledweyne oo kaliya ee sidoo kale isku
soo baxan oo kale waxaa maanta laga sameeyay qaar ka mid ah gobollada dalka
Soomaaliya oo ay ka mid tahay caasimada Muqdisho.
Ugu danbeyntii, madaxweynaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku baaqay in todobaadkan
la Oogo salaad Roob Doon ah iyo Alla Bari kadib abaar baaxad leh oo soo food
saartay dadka iyo duuniyada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]