4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2017
Isku soo bax roob doon ah oo maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho

 Talaado, Maarso, 14, 2017 (HOL) –Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto isku soo bixii ugu balaarnaa oo Roob doon ah kadib abaar baahsan oo ku habsatay dadka iyo duuniyada.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay todobaadkan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa isugu soo baxaan salaad Roob doon ah iyo alla bari.

Sidoo kale waxaa la xiray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada si loo sugo ammaanka magaalada iyo dadka dhigaya roob doonka, waxaana ka qeyb-gali doonta mas’uuliyiinta sare ee dowladda.

Dhinaca kale kale  magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si la mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya qaban-qaabo balaaran iyo diyaar-garoow loogu jiro qeyb ka qeybgalka isku soo bax roob doon ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]