4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2017
Wasaaradda difaaca dalka Mareykanka oo qorsha cusub u sameyneysa la dagaalanka Al Shabaab

 

Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) - Wasaaradda difaaca dalka Mareykanka ee The pentagon, ayaa sheegaysa in ay diyaarinayaan barnaamij cusub oo la damacsanyahay in lagula dagaalamo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaeda ee ka dagaalama wadamadda Yeman iyo Somaaliya.

Barnaamijka cusub, ayaa waxaa uu soconayaa mudo 180 maalmood ah, waxaana wasaaradda difaaca dalka Mareykanka ay sheegeysaa in la joojin doono, duqeymaha diyaarada Drone-ka ay ka geysanayaa wadanka soomaaliya, taasoo inta badan lagu beegsado shaqsiyadka looga shakiyo in ay xiriirka la leeyihiin Al Shabaab.

Donald Trump  waxaa la filayaa inuu dhawaan sida ugu dhaqsaha badan u saxiixi dooni, qorshe kale,  si loogu magacaabo soomaaliya in mar kale ay noqoto goob dagaal mudo 180 maalmood ah, iyadoo la joojin doono, duqeymaha diyaarada Drone-ka ay ka geysanayaan wadanka soomaaliya.

Qorshaha lagu joojinyo duqeymaha drone-ka, muda 180 maalmood ah, ayaa waxaa uu yahay mid tijaabo ah.

Aragtida ah in saldhigyada Ururka Al Qaeda ee somaliya iyo Yemen,  drone lagu weeraro, waxaa lahaa maamulkii hore ee madaxweyne Obama, balse qubarada military-ga ayaa sheegay in duqeymahaasi, inta badan ay dad rayid ah khasaare kasoo gaarayeen.

Ciidamo ka socda dowladda Mareykanka, ayaa waxaa ay saldhigyo military oo diyaarado ay ka duullaan ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya, gaar ahaa gobolada Jubooyinka iyo gobolka Shabeellaha hoose gaara ahaa saldhiga bali-doogle.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia