Warbixin ku saabsan dood-cilmiyeedkii FAGAARAHA iyo talooyinkii ay aqoonyahanadii ka qeygalay u soo jeediyeen dowladda Farmaajo (Sawirro)
Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) –Waxaa xalay magaaladda Minneapolis ee gobolka
Minnsesota lagu qabtay dood-cilmiyeedka Fagaaraha, kaas oo lagu
gorfeeyay caqabadaha horyaal iyo fursada ay heysato dowladda cusub ee
Soomaaliya, Fagaaraha 24 aad waxaana marti ku ahaa aqoonyahanno Somaaliyeed oo khibrad u
leh dowlanimada iyo siyaasadda.
Doodaan oo uu daadihinaayay Faarax Maxmaed Cali ( Farah Blue) oo ah wariye ka tirsan HOL, ayaa aheed mid looga doodaayay caqabadaha ka hor imaan kara iyo fursadaha dowladda cusub ee Soomaaliya hogaaminaysa 4 sano ee soo socota.
Aqoonyahanadan waxaa ka mid ahaa Ambassador
Abuukar Arman oo ahaa u qeybsanihii arrimaha Mareykanka ee Madaxweyne
Sheekh Shariif, hadana ah qoraa ka faalooda arrimaha Islaamka,
Siyaasadda iyo arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Geeldoon oo ka mid ah
aqoonyanahada darsa siyaasadda Soomaaliya iyo Abuukaate C/waaxid Qalline
oo hore ula soo shaqeeyay dowladda Soomaaliya, ahna qareen ku nool
gobolka Minnesota.
“Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waa nin
saaxiibkey ah waana u hambalyeeyay markii la doortay, waxaan kula
talinayaa inuu ka fiirsado shaqsiyaadka loo dhiibayo dhowr wasaaradood
oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha dibada, xiriirka caalamiga ah
iyo Kheyraadka” Ayuu yiri Abuukar Armaan oo intaas ku sii daray
“Madaxweynuhu markii uu Ra’isul Wasaaraha Cusub magacaabay waxaan u soo
jeediyay inuu ka noqdo, waayo turxaan bixin laguma sameyn isaga iyo
shirkadda Soma Oil and Gas ee uu ka tirsanaa”
Arman wuxuu sheegay in fursadaha muuqda ee
dowladda Farmaajo ay ugu muhiimsantahay kalsoonida shacabka iyo hanka
loo qabo inay waxqabad buuxa la yimaadaan iyo inay jirto fursad ay dib u
heshiisiin ku billaabi karaan.
“Caqabadaha ugu waaweyn waxaan u arkaa Federalka, faragalinta shisheeye iyo maamul goboleedyada” Ayuu sii raaciyay Arman.
C/waaxid Qalinle ayaa isna sheegay in
Musuq-maasuqa, dib u habeynta garsoorka, dasuurka, awood qeybsiga
dowladnimo, wada shaqeynta labada aqal iyo dowlad goboleedyadu ay u
baahan yihiin wakhti iyo maskax badan.
“Waxaan u baahanahay maxkamado, ciidan iyo
hey’ado dowladeed oo hirgaliya sharciga, awoodna u isticmaala
shaqsiyaadka lagu helo inay ku lug leeyihiin wax is daba marinta iyo
tuuganimada” ayuu yiri Abuukaate C/waaxiid.
Wuxuu sheegay C/waaxid in haddii is qab-qabsiga
siyaasadda uu soo noqdo ay adkaan doonto jiheynta dalka, ayna caqabado
badan isku gadaami doonaan fursadaha ay dowladdu ka faa’iideysan karto.
Maxamuud Geeldoon ayaa sheegay in haddii la soo celiyo awooddii dowladda dhexe in waxyaabaha kale ay sahlanaan doonaan.
“Haddii aan la soo celin awooddi dowladda dhexe,
ma jirto wax qiimo ah ee uu yaalanayo dastuurka dalka, waayo waxaa
wiiqaya dowlad goboleedyada” Ayuu yiri Geeldoon.
“Haddii dowladda ay awood u yeesho shacabka,
waxaa la heli doonaa xoog u isku duban ee aan la loodin, waxaana kula
talinayaa inay ka faa’iideystaan jaceylka ay shacabku u hayaan iyo
billowga is dhexgalka dadka Soomaaliyeed oo ay tusaale noogu filan tahay
magaalada Gaalkacyo oo jidadkeedii iyo shacabkeedii isku furmeen” ayuu
sheegay mudane Geeldoon.
Sadexdan aqoonyahan ayaa isku raacay in fursadda
ugu weyn ay tahay kalsoonida shacabka, waxayna ku celceliyeen inay wax
ka bartaan khaladaadkii dowladihii hore u keeni jiray fashilka iyo guul
darrada.
Dadweynihii ka soo qeybgalay dooda 24-aad ee
Fagaaraha ayaa iyaguna su’aalahooda iyo aragtidooda ku cabbiray dhowr
arrimood oo ay ka mid ahaayeen heshiisyada caalamka lala galo,
Alshabaab, Amisom, musuq-maasuqa, xiriirka dibadda, abaaraha, Qaadka,
awoodaha dowlad goboleedyada iyo dhallinyarada.
Doodan oo maqal iyo muuqaal ah kala soco HOL maalmaha soo socda.
Siyaad Siciid Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Mineapolis, Minnesota