4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2017
Ciidamada ilaalada wasiirka kalluumeysiga oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay iridka hore ee Hotel Wehliye

Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Ceymooy , ayaa sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa uu ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay iridka hore ee laga gallo Hotel Wehliye ee magaaladda Muqdishu.

Wasiirka ayaa sheegaya in askarta dhaawacmay ay ku jireen fasax, sida hadalka uu u dhigay.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in wasiirka garigiisa uu qaraxa la kulmay.

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeryooday qaraxa, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka uu khasaaraha kasoo gaaray qaraxa, waxaa laga dhex aqoonsaday ciidamadii ilaalada u ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Ceymooy.

Laama amaanka ee dowladda ayaa soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay.

Hotel wehliye, waxa uu aad ugu dhowyahay, Hotel Dayax oo bishii January lagu dilay 28 ruux, kadib markii weerar ay ku qaadeen Al Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia