4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2017
Masaajidda Minnesota oo u Gurmanaya Abaarta Soomaaliya

Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) –Ilaa 40 masaajid oo ku yaal gobolka Minnesota ayaa qorsheenaayay inay si wada jira dhaqaale ururin ugu sameeyaan dhamaystirka dhul qabuuro ah oo ay yeeshaan Muslimiinta qaasatan Jaaliyadda Soomaalida ee  Minnesota, waxayse mashruucii u weeciyey dhanka abaaraha ka jira Soomaaliya oo ay  maalintaas dhmaan masaajidaa loogu yabooho dhaqaale abaaraha.


Maxamaed Aadan madaxa mashruuca qabuuraha ee almaqrif ayaa HOL u sheegay sababta ay sidaa u sameeyeen ay tahay markay arkeen dhibta iyo qaylo dhaanta ka soo yeeraysa dalkii hooyo ay sidaa isla garteen maamulayaasha masaajidada hore u qorsheenaayay inay caawiyaan mashruuca qabuuraha,



 

Masaajidada ku yaal gobolkaan ayaa badi u diyaar garoobaya maalinimadda jimcaha ee Maarso 17 keeda 2017 ayaa dhaqaalo ururin sameeyn doonaan iyagoo markaa kadib u lacagahaa ku wareejin doonaan hay’adaha samafalka eek a diiwaan gashan dalkaan Maraykanka.


Dadaalka culumadu ka wadaan dalalka dibada ayaa ah mid ay xil gaara iska saaraan wax ka qabadka abaaraha, Shiikh Xasan Maxamud Jaamaici  imaamka masjid Dacwa St Paul ayaa bartiisa facebooga ku soo bandhigay dhaqaalahii uu  u uruuriyey abaaraha waxuuna yiri “ waxa aan ururinay ilaa shalay iyo maanta oo dhan $6.400.00 ( 6 kun iyo Afar boqol).


Isugeynta tii shalay iyo maanta waxay wada noqonaysaa $9,400.00 waxaan wadi doonaa howshaas Ilaahey idinkiisa,waxaana ku dirnay Amaano Money Transfer. Waxaa mahad leh Madaxa hay'adda samafalka Somali Rebuild Organization, walaalkeena Cumar Nur, oo aan ku soo dirnay magaca hay'addaa.


Hawlaha wax ka qabashadda abaaraha ayaa ka socda dalalka caalamka oo ay Soomaalidu ku nool yihiin , waxaana dhawaan idiin soo gudbin doonaa qaab aad ku taageeri kartaan wax ka qabashada abaaraha idinkoo isticmaalaya aalado kala duwan sida ay qorsheenayaan maamulka HOL.

 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,MN