Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax
subaxnimadii hore saakay ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib
gaari loo maleynayo in lagu soo raray walxaha qarxa lagu hakiyay barkootarool.
Qof ayaa ku dhintay saddex kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray qaraxa oo ka
dhashay gaari nooca Caasiga ah oo bartilmaameedkiisu ahaa xarunta tababarka
ciidamada ee Jen Dhaga-badan ee degmada Wadajir.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa gaariga ka hor la maqlay rasaas loo
maleynayo ay rideen ciidamo ku sugnaa barkootarool kuwaa oo shakiyay gaariga,
taasoo keentay in uu is qarxiyo.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa sheegaya in
gaarigan uu qarxay, ka hor inta aasan gaarin bartilmaameedkii uu u socday.
Qaraxyada iyo dilalka ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba magaalada Muqdisho
joogta ka ahaa, ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ay arinta ka soo saareen
laamaha amniga dowladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]